




SIYAASADAYDU WAA DHAMEYSTIRID, TAASOO KU SALAEYSAN DHAB-U-HESHIISIIN, DULQAAD IYO ISUTANAASUL, SI LOO DHISO DOWLAD LOO DHANYAHAY.
Hadafkeygu waa in aan ka sii wado halka xukuumada hadda jirta ay taagan tahay, inkastoo ay jiraan cabashooyin, dhaliilo iyo howlo badan oo hortabin lahaa oo qabyo ah lana xidhiidha arrimo kala duwan oo runtii u baahan in la xalliyo iyadoo loo marayo wadada gorgortanka iyo tala wadaag. Tani waa arrin caadi u ah maamulada curdunka ah, oo aan cagabadan ku taagneyn, gaar ahaan wadamada ay dagaalladu ka dheceen sida Soomaaliya, kuwaasoo weli ku howlan dib u yegleelida hay’adaha dowladda.
Waxaan ogsoonahay in dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo loo dhanyahey aysan aheyn hawl fudud, qiimo badana ay ku baxdey, waxaa jiray dad badan oo Soomaaliyeed oo bixiyay qiimo aad u sarreeya, kuwo badan ay naftooda u hureen, kuwana ay hantidooda ku bixiyeen amaba ay ku waayeen, qaar badan ay ku bixiyeen waqti iyo dadaal aad u farabadan. Sidaad daraadeed waxaan xuseynaa, qadarineynaa oo aan marna ilaabeen cid kasta oo gacan ka geysatay dib u dhisida dowlad Soomaaliyeed oo caalamka aqoonsanyahay, taa soo haddii aysan intaa sameyn lahayn aysan suurto gal noqoteen inaan isu soo taago doorashada madaxtinimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2026-2027.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahey wadamada gobolka ugu kheyraadka badan, waana keyda quudka ee Geeska Afrika. Haddii aan ka shaqeysiino maskaxdeena isticmaalnana awooda shacabka Soomaaliyeed, waxa aynu helaynaa wax ka badan wixii aan u baahneyn, dadkeenu ay ku baahi beeli karaan, dhabtii xitaa waxaynu caawin karnaa dalalka kale. Sidaa daraadeed, dhab-u-heshiisiin, isu tanaasul iyo dulqaad waa tiirarka siyaasaddayda si loo dhiso dowlad loo dhan yahay oo ku shaqeeysa sinaan iyo sareynta sharciga.
Siyaasadaydu waa iskaashi iyo wax dhisid ee ma aha iska horimaad iyo wax burburin, waxaan marwalba aaminsanahay xal siyaasadeed loona maro gorgortan, iyo isu tanaasul ma aaminsani muquunin iyo xal milateri. kuwa had iyo jeer u doodaya inay isticmaalaan muruqooda waa kuwa maskaxdoodu aanay awoodin inay xalliyaan dhibaatooyinka! Danta dadka Soomaaliyeed gaar ahaan amniga iyo cadaaladda ayaa wax walba ka horeya. Qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waa arin aan marna gorgortan laga geli Karin, laguna xad gudbi Karin, taas oo saldhig u ah awoodda hoggaamintayda. Bartilmaameed yadeyda kale waa in lala dagaalo gaajada, cudurada, jahliga iyo hoy la’aanta ka jirta guud ahaan Soomaaliya.
MY POLICY IS CONTINUATION, BASED ON RECONCILIATION, TOLERANCE AND COMPROMISE, TO FORM AN INCLUSIVE GOVERNMENT
My goal is to continue where the current government stands, despite the many complaints, criticisms and tasks that are pending which are related to various issues that really need to resolve through negotiation and consultation. This is a common issue for new, fragile governments, especially in post-war countries like Somalia, which are still in the process of rebuilding their state institutions.
We all are aware that the formation of an inclusive Somali government is not an easy task, and it has come at extremely high price, many Somali people sacrificed their lives, some have given or lost their wealth, many have spent lot of time and effort. Therefore, we salute, pay tribute and we shall never forget those who contributed the rebuilding of a Somali state that is recognized by the world, and without them it would not have been possible for me to run for the presidency of the Federal Republic of Somalia in 2026-2027.
Somalia is one of the most resource-rich countries in the region, and it is the food bank of the Horn of Africa. If we unlock our mental faculty and effectively use the power of the Somali people, for sure we shall produce more than what our people need, indeed we can even help other countries. Therefore, genuine reconciliation, compromise and tolerance are the pillars of my policy to build an inclusive government that operates on equality and the rule of law.
My policy is cooperation and construction, not confrontation and destruction. I always believe in political solutions through negotiation, and compromise, I don’t believe violence and military solutions. Those who always advocate using their muscles are those whose minds are unable to solve problems! The interests of the Somali people are paramount, especially security and justice, come before everything else. The sovereignty and territorial integrity of Somalia is an issue that is non-negotiable and can’t violated, which is the basis of my leadership. My other goals are to fight hunger, disease, ignorance, and homelessness throughout Somalia.
