BAYAAN KEYGA WAA SOOMAALI NABAD AH, DIMUQRAADI AH, HOURMARSAN, OO BARWAAQEYSAN. DAL AY DHAMMAAN MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED SI SIMAN UGU WADA NOOLAAN KARAAN, KUNA SALEYSAN SAREYNTA SHARCIGA.  

 

Anigoo ah muwaadin Soomaaliyeed, waxaan qaatay mas’uuliyad akhlaaqiyeed iyo mid anshax si aan ugu adeego dadkayga iyo dalkayga, una samatabixiyo, waxaan go’aansaday in aan nafteyda u huro si ay u xalistaan dhibaatooyinka dabadheeraadey, aayahoodana ay iyagu ka tashadaan.

Tani waa aragtida maamulkayga mustaqbalka, dowlad loo dhan yahay oo u shaqaysa dhammaan dadka ku dhaqan geyiga Soomaaliyeed, ee aan sadbursi usameyn Gobollo iyo Beelo ama shakhsiyaad gaar ah ee mudnaanta isa siiyey. Iyada oo hoggaankaygu yahay inaan dhiso Dowlad Dhexe oo casri ah lehna karti iyo awood ay ku hogaamiso Dowlad Goboleedyada, si dhowna ula shaqeysa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka si cid walba ugu hamiso in ay maal-gashadaan Dalka Soomaaliya, taasoo suurto gelineysa in muwaadin kasta uu helo fursadda ugu wanaagsan ee shaqo, waxbarasho, hoy iyo adeeg daryeel caafimaad. Sidoo kale in aan dejino qorshe balaaran ee mustaqbalka si Soomaaliya u noqoto xarunta heyadaha caalamiga ee horumarinta iyo shirkadaha ganacsiga ee ka howlgala gobolka ama guud ahaan qaaradda Africa.

Waxaan la imaneynaa feker lagu xalinaayo dhibaatooyinkii taagnaa soddonkii sano ee ugu dambeeyey oo ay ugu horeyso amni-darrida ka dhalatay xagjirnimada iyo argagaxisada oo weli shacabka Somaaliyeed lagu gumaadaayo. Ujeedkayagu waxa weeyaan in aan dejino qorshe cad oo baahsan kuna saleysan fikir wadani ah lehna hal-abuur shaqeyn kara isla markaana dowladda iyo dadkeena ay awoodi karaan. Sidaa daraadeed waxaan awoodnaa inaan ku guuleysanno oo aan soo bandhigno waxqabad la taaban karo ee ku aadan xaaladah manta taagan oo ay maamuladii naga horeeyey inkastoo ay dadaaleen ay ku adkaatey in ay wax badan ka qabtaan am ay soo afjaraan gebi ahaanba.

 

MY MANIFESTO IS PEACEFUL, DEMOCRATIC, DEVELOPED AND PROSPEROUS SOMALIA. A COUNTRY WHEREBY ALL SOMALI CITIZENS CAN LIVE TOGETHER EQUALLY, BASED ON RULE OF LAW

  

Being a native Somali citizen, I have assumed moral and ethical responsibility to serve my own people and country. In order to rescue, I have decided to sacrifice myself so that they will be able to solve their prolonged problems and decide their destiny.

This is the vision of my prospective administration, an inclusive government that works for all people inhabited in Somali territory without discrimination otherwise bias towards regions and communities or individuals who have given themselves priority. Under my leadership we intend to form a modern central government with ability and power to lead the State governments and collaborate closely with them in accordance with the constitution and law of the land so that to prepare an environment whereby the potential International developers and business community will be attracting to invest the country. This will make it possible for every citizen to have access employment opportunities, provision of education, shelter, and healthcare facilities. We also develop a comprehensive plan for the future to make Somalia a hub for International development agencies and business operating in the region or across Africa.

We shall produce, a solution to the problems that have been going on for the last three decades, primarily the insecurity caused by extremism and terrorism that are still massacring the Somali people. Our aim is to develop a clear and comprehensive plan based on a nationalistic and creative idea that can work and that the government and our people can afford. Therefore, we are able to succeed and present a tangible solution to the current situation that previous administrations, despite their efforts, have found difficult to address or completely end.